Muuse Suudi: “Farmaajo wuxuu wadaa heshiis beesha Hawiye aysan qeyb ka aheyn “

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ee baarlamanka Somalia ayaa sheegay in Muqdisho uu ka socdo kulan aysan beesha Hawiye talo ku laheyn, cid ku metelaysana jirin

Muuse Suudi ayaa hadalkan ka jeediyey kulan maanta Madaxweynaha Puntland la yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare.

”Heshiis Hawiye aysan qeyb ka ahayn ayaan aragnaa inuu meesha ka socdo mana ugu darnaaneyno qof, farmaajo ayaa sameynaayo dalkaan wanaag kama lahan, gobolada kalana kama rabyo laakiin isaga kaligii waaye,”ayuu yiri Senatar Muuse Suudi oo sida muuqata hadalkan ula jeeda RW aan la magacaabin illaa hadda oo beesha Hawiye ay leedahay marka la eego hanaanka awood qeybsiga dowlada.

Waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka laga qaban-qaabinayo dalka isagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo qabto doorashada lagana soo hormariyo waqtigeeda.

“Waxaan codsanaynaa labo arrin mid in la yeelo, in doorashada hada la qabto oo aan waqtigeeda la sugin ama in xukuumada la dhamaystiro oo howsha la galo, haddii aysan saas ahayna takrifalkii nagula takrifalayay ayaa nalagu hayaa” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Siyaasiyiinta beesha Hawiye ayaa wada cadaadis ay ku hayaan Madaxweyne Farmaajo kaasoo la xiriira sidii uu u soo magacaabi lahaa RW cusub maadaama dalku ku jiro xaalad xasaasi ah oo laga tashanayo sidii looga gudbi lahaa xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -