Degaan ka tirsan gobolka Mudug oo qarka u saaran inuu Ciidda ka hoos maro (Sawirro)

Degaanka Dhinowda ee gobolka Mudug oo 265km bari kaga toosan Magaalada Gaalkacyo ayaa qarka u saaran inuu hoos maro ciida ka dib markii uu ku habsaday bacaad buuro ku sameysan

Bacaadka ayaa aasay ceelashii ay biyaha ka heli jireen shacabka degaankaas ku nool. Sidoo kale wuxuu ku habsaday xarunta Caafimaadka, masaajidka iyo dhismayaal kale ee deegaanka ku yaalla

“Waan aasanay adduunkana kama aynan tagin, aakhirana ma aynan gaarin”, ayuu yiri oday ka mid ah dadka deegaanka oo dalbaday in lala soo gaaro biyo iyo daawo.

Bacaadka saameynta xooggan ku yeeshay degaankaas ayaa la sheegay iney sabab u yihiin dabeylaha xooggan ee ka soo dhacaya dhinaca badweynta India oo degaankaas ku dhow, kuwaasoo soo qaada ciid fara badan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA..

- Advertisement -