Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Safar Madaxweyne Xasan Sheekh ugu ambo baxay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

 

Related posts

Daawo Sawirada: sida ay ahaan jirtay Goobtii uu ka dhacay Qaraxii Beyrut iyo sida hada noqotay

Cabdi Cade

Farmaajo oo si adag uga hadlay doorashada iyo arrimo kale

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo la kulmay wafdi culus oo ka socday Dowlada Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---