Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo soo saaray war ka farxiyey Soomaaliya iyo dalal kale

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya siin doona ku dhawaad 140 milyan oo Yuuro sanadkan si ay u taageeraan isbedellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale iyo in ay xoojiyaan adkeysiga dalka iyadoo la eegayo saameynta xun ee kadhalatay  isbedelka cimillada.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga Jutta Urpilainen ayaa ku dhawaaqday in 27-ka xubnood ee Midowga Yurub ay sanadkan kordhinayaan qoondada ay siiyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Inta badan maalgelintan waxay aadi doontaa dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo dhisidda adkeysiga isbeddelka cimilada.

“Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bixin doonaa €13.5 milyan oo taageero miisaaniyadeed ah si loo joogteeyo siyaasadda Soomaaliya si ay ugu lug yeelato dib u habeynta iyo sidoo kale xirmo € 125 milyan ah sanadka 2022 si loo taageero dowlad dhisidda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo adkeysiga iyo ficillada isbeddelka cimilada,” bayaan ka soo baxay EU ayaa sidaa lagu yiri

Urpilainen waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu kordhinayo taageerada uu siiyo Hindisaha Geeska Afrika 162 milyan oo Yuuro ilaa 430 milyan oo Yuuro sanadka 2022, gaar ahaan adkaysiga iyo sugnaanta cuntada.

 

Related posts

Kheyre oo la kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Weriye caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dowladda Imaaraadka oo Soomaaliya ku wareejisay Lacag dhan 9.6 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---