Kheyre oo la kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkooda.

Intii uu socday kulanka, ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ku aadan soo kabadashada iyo horumarka dalka Soomaaliya ayna muhiin tahay in rajadaas laga mira dhaliyo, isaga oo xusay in dowladda oo ay ka go’antahay in ay fuliso dhamaan qorshayaasha horumarinta dalka.

Safiirrada midawga Yurub ee ku sugnaa kulanka ayaa waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersanyihiin qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in sida ugu fudud loo hirgeliyo, iyaga si qota dheer u fahmay caqabadaha soo wajihi kara Dowladda inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasheeda.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in €100 milyan oo Yuuro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in €80 milyan oo Yuuro midawga Yurub uu ku bixiyo dadaalada xasilinta dalka iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM.

Lacagta sida tooska ah loo siinayo dowladda iyo tan lagu bixinayo Barnaamika xasilinta waxaa la anxinayaa dhamaadka Bishaan May, iyada doodaha la xariira ka baaraan degidda taageerada joogtada ah ee ciidanka AMISOM ay sii socon doonaan ilaa dhamaanta bisha June ee sanadkaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -