Dowladda Imaaraadka oo Soomaaliya ku wareejisay Lacag dhan 9.6 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu ware/?ejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.

Lacagtan oo aheyd tii horey dowladda Soomaaliya ugala wareegtay dowladda Imaaraadka Sannadkii 2018-kii ayaa Imaaraadka go’aansaday in uu ku caawiyo dowladda si loogu adeegsado gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay  dowladda Imaaraadka lacagtan ay ku wareejiyeen iyo kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Lacagtan gaareysa 9.6 Milyan oo Dollar oo dowladda Soomaaliya kala wareegtay Imaaraadka ayaa dhaliyay khilaaf labada dal soo kala dhax galay, taa oo keentay in Imaaraadka joojiyo taageeradii uu siin jiray dowladda Soomaaliya iyo ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -