Madaxweyne Erdogan oo shuruud cusub ku xiray dalalka Finland & Sweden (Maxaa isbedelay)

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shuruud cusub ku xiray dalalka Finland iyo Sweden ka hor inta aaney ku biirin NATO

Erdogan ayaa sheegay in aqbalidii Finland iyo Sweden ee NATO aan weli si toos ah loo dammaanad qaadin ayna taasi ku xiran tahay sida ay labadan dal u fuliyaan  ballantii ay la galeen xukuumadda Ankara.

Waxaa uu sheegay in baarlamaanka Turkiga uusan ansixin doonin codsiyada wadamada Waqooyiga Yurub ilaa ay marka hore muujiyaan midnimada Ankara iyagoo weliba ficil ahaan u sameynaya oo aanan hadal keliya Meesha looga baahnayn.

NATO ayaa si rasmi ah Sweden iyo Finland ugu casuuntay inay ku soo biiraan isbahaysiga iyagoo soo afjaraya dhexdhexaadnimadooda milatari ee ay wadeen mudada dheer.

Turkiga ayaa ka soo horjeestay go’aankaasi, isagoo ku eedeeyay labadan waddan inay martigeliyaan dhaqdhaqaaqayaasha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko urur argagixiso ah.

 

- Advertisement -