Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Munaasabada 1da Luulyo looga dabaal degay Magaalada Garowe? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kaga qeybgalay munaasabadda 1-da Luulyo oo la xusayo sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xorriyada qaateen Gobollada Koonfureed ee dalkeena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo Calanka saaray saacadu markay ahayd 12:00, Kadibna wuxuu ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo iyo guud ahaan todobaadka xorriyada dalkeenna, oo ah taariikh u baahan in wax laga barto halgankii laga soo maray xorriyada, midnimada Iyo Dowladnimada.

Waxaa Madaxweynaha Munaasabadda ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada iyo marti sharaf kale.

Related posts

Culimo Quraan-saar u socday oo ku dhamaaday Qarax ka dhacay duleedka Xudur

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada maamulka Puntland oo maanta Go’aano xasaasi soo saaray

Cabdi Cade

Dabley hubeysan oo nolosha ku gubay Soddon qof oo shacab ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---