Xamaas oo soo bandhigtay Muuqaalka Askari Israa’iili ah oo gacantooda ku jira (Sawirro)

Kooxda Xamaas ee u dagaalanta xurnimada dhulka Falastiin ayaa soo ban dhigtay muuqaal kooban oo laga soo qaaday askari u dhashay maamulka Israa’il oo gacanta ugu jira kooxda Islaamiga ah ee Xamaas .

Muuqaalkan oo soconaya muddo 40-ilbiriqsi ah ayaa waxaa soo bandhigay guutada Al-Qassam ee garabka hubaysan ee Ururka Xamaas, waxaana askariga maxbuuska ah ee gacanta ugu jira Xamaas magaciisa lagu sheegay Hishaam al-Sayed.

Askariga Israa’iil ee lasoo bandhigay ayaa ku jiifay sariir nuuca isbitaalada, waxaana askarigan ku xirnaa qalabka neefta, waxaana Xamaas askariga dusha ka saareen aqoonsigiisa gaarka ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa sheegay in Xamaas ay mas’uul ka tahay xaaladaha maxaabiista rayidka ah ee ay gacanta ku hayaan , waxa uuna rejo ka muujiyay dedaalada Masar wado si loo soo daayo maxaabiista Israa’iil ee gacanta ugu jira Xamaas.

Kooxda Xamaas ayaa gacanta ku heysa labo askari oo u dhashay Isrtaa’il oo la qabtay sannadkii 2014-kii, waxaa sidoo kale Israa’iil dhankeeda gacantooda ku jira maxaabiis katirsan kooxda Xamaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -