Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen iyo Aadan Madoobe oo kawada hadlay xaalad taagan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha golaha shacabka  ayaa iska xog-waraystay Xaalada Dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa Dadka ay saamaysay Abaarta ee ku nool Guud ahaan Gobolada Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa u sheegay guddoomiyaha golaha shacabka in deegaanada Koonfur Galbeed xilligan ka jirto abaar daran oo saameesay kumanaan dad ah, waxa uuna xusay in muhiim tahay in dadkaasi loo raadiyo caawinaad ah.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacavbka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halis Mustaqbalka ka dhalan karta Heshiis ay wada galeen Dowladaha Somalia iyo Shiinaha

Cabdi Cade

Hotel iyo Dhismayaal kale oo laga dhax dhisayo Garoonka Muqdisho oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay shil dayuurad oo ka dhacay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---