Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo goordhaw xilka si rasmi ah ula wareegaya

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha waxaa ka dhaceysa goordhaw munaasabad uu xilka kula wareegayo Ra’isul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa kasoo qeyb galata Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo Ra’isul Wasaaraha cusub ee xilka la wareegaya, wasiirro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo dhawwaan helay codka kalsoonida Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa marka uu maanta xilka la wareego, in uu guda galo dhismaha xukuumad cusub oo la wareegta talada dalka.

Xil-wareejintan ayaa noqoneysa tii ugu horeesay oo muddo 5- sanno ah dhacda, waxaana Ra’isul Wasaaraha xilka hada ka degaya Rooble xilka la wareegay iyada uusan dhinac joogin Ra’isul Wasaarihii ka horeeyay, sababo la xiriiray khilaafkii uu ku baxay Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ing. Yariisow: “Hogaamiye kooxeed kasta oo hantida Qaranka boobay maalin baa sharciga la horkeenayaa (Daawo)

Caydiid Ali

Max’uud Sayid Aadan oo Saraakiisha AMISOM kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo kusii siqeysa Jowhar iyo cabsi laga dareemayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---