Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad xukun ku riday 101 sano jir ka tirsanaa taliskii Adolf Hitler (Sawirro)

Ilaaliyihii hore ee kaamka dowaladii Nazi-ga oo magaciisa lagu sheegay Josef S ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah.

Ninkan waxaa lagu eedeeyey inuu gacan ka geystay dilka kumanaan maxaabiis ah oo lagu dilay magaalada Sachsenhausen oo u dhow Berlin.

Waa dembiilihii ugu da’da weynaa abid ee ka tirsanaa xukumada Nazi-ga ee maxkamad Jarmal ah la soo taago, wuxuuna had iyo jeer horay u dafiray inuu xerada “SS” waardiye ka ahaa.

Waxaa lagu helay danbi ah inuu gacan ka geystay dilka dad tiradoodu gaareyso 3,518 qof oo xeradaas ku jiray.

Qareenkiisa ayaa ku baaqay in la sii daayo, waxaana lagu wadaa inay racfaan ka qaataan xukunkiisa.

Related posts

Natalia Kanem oo booqasho ku timid Muqdisho & RW Xamse oo qaabilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirar Xasaasi ah oo looga hadlayo xayiraadii safarka Sheekh Shariif oo Muqdisho ka socda

Cabdi Cade

K/Galbeed oo shaacisay doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---