(Daawo Sawirro) Maxay yihiin kulamada Axmed Madoobe ka wado Dhoobley?

Madaxweynaha Jubbaland  Ahmed Mohamed Islaam Axmed (Axmed Madoobe) ayaa maanta la kulmay dhalinyarada Degmada Dhoobley.

Axmed Madoobe ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhalinyarada ay soo jeedinayeen ee la xiriira wax ka qabashada adeegyada bulshada oo ay ugu horeeyaan Caafimadka, Ciyaaraha, Farsamada gacanta iyo shaqo abuurka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay dhalinyarada in Maamulkiisu waqti badan ku bixineyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada, qayb weyna ay uga noqon lahaayeen xafiisyada maamul ee Dowladda.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay dhalinyarada inay dedaal badan ku bixiyaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen bulshadooda, sidoo kalena ay qayb weyn ka qaataan horumarka deegaanka ka socda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ahmed Mohamed Islaam ayaa maanta la kulmay ururka haweenka ee Degmada Dhoobley.

Haweenka degmada Dhoobley oo dadaalo badan ku bixiya dib u soo celinta bilicda magaalada laf-dhabarna u ah bulshada ayaa Madaxweynaha Jubaland waxa ay kaga warbixiyeen howlaha ay ka qabtaan Degmada, baahiyadkooda iyo horumarada ay hiigsanayaan xiligan.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii u mahad-celiyey haweenka Degmada Dhoobley dadaalada ay ku bixiyeen horumarka degaanka.

- Advertisement -