Villa Somalia oo faahfaahin ka bixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xassan Shiikh

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia Cabdikariin Cali Kaar ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacabka abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu tahay mid aad u fiican wax dhibaato ahna uusan dareemaynin balse keliya laga helay caabuqa Covid-19.

Waxaa uu sheegay beri Madaxweynuhu mari doono baaritaan Caafimaad, isagoo xusay in Madaxweynuhu shaqo maalmeedkiisa u gudanayo hab waafaqsan habraacyada loo dejiyey xakamaynta faafitaanka Covid-19.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo hore loo qaban jiray Xafladdo waaweyn balse sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha dalka

 

- Advertisement -