Allbanaadir.com
NEWS

Shir Xasaasi ah oo ka socda Villa Soomaaliya iyo xogta waxa looga hadlayo

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay , ayaa sheegaya in shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle uu xilligan ka socdo Villa Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid albaabada u xiran yihiin, ayaa xogaha aan helnay sheegayaan in looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo awood cusub lasoo baxday lana wareegtay deegaanno badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaana madaxda uu la shirsan yahay kala tashanaya tallaabooyinka laga maarmaanka ah ee xilligan la qaadi karo, si looga adkaado kooxda Al Shabaab loogana saaro deegaanno iyo degmooyin ay dhawaan dib ula wareegeen.

Madaxda shirka u socdo, ayaana is dhaafsanaya aragtiyo ay aaminsan yihiin in kooxda Al Shabaab looga adkaan karo loogana soo kaban karo guuldarooyinkii ugu dambeeyay ay ciidanka kala kulmeen dagaalladii ka dhacay deegaannada Hirshabelle.

Shirkan hadda ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, mid lamid ah ayaa shalay sidaan oo kale uga dhacay xarunta Madaxtooyada, mana jiro wax faah faahino ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ka bixisay shirarkan xasaasi ah ee ka dhax socda.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray Xildhibaan oo ka dhacay magaalada Gaarisa

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo Go’aan cusub soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo lagu hor dhaariyay Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---