War cusub oo ka soo kordhay qaraxii saaka qabsaday kolonyada Gudoomiye Cali Jeyte

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa war ka soo saaray qarax saaka inta u dhexeysa Beladweyne iyo Matabaan lagula eegtay kolonyo uu la socday gudoomiyaha gobolkaas, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA
WAR-SAXAAFADEED

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu Alle SWT Caafimaad Taam ah uga Baryayaa wariyeyaasha kala Ah Khaalid Cismaan Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeloow iyo Cabdi Gureey oo ka mid ah Howlwadeenada madaxtooyada HIrshabelle sidoo kalane waxuu Alle SWT uga baryayaa in Naxariistiisa Jano siiyo Cabdiraxman Caddow oo kamid ahaa dhalinyarada haldoorka ah ee magaalada Beledweyne kaasoo ku geeriyooday Qaraxaas miino oo maanta  Argagixisada Al-shabaab kula beegsadeen inta u dhaxeeyso Beledweyne iyo Matabaan .

Maamulka Gobolka Hiiraan wuxuu si buuxdo Gargaar ugu fidinayaa Dadka ku waxyeeloobay Qaraxaas miino  waxaa ka go’an Maamulka Gobalka hiiraan in la soo Afjaro Cadawga Argagixisada Al-shabaab ee Dhibaatada Joogtada ah ku hayo Dadka iyo deegaanka waxaana Si xowli ah ku socdo Howlagalka ka dhanka Ah Qawaariijta Al-shabaab iyadoo u Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo saraakisha Ciidamada Qalabka sida.

Waxaa hada si buuxdo gacanta uga haayo Deegaanadii aay ku sugnaayen Argagixisada Al-shabaab Ciidamada Dowlada ayagoo isaga cararay goobahii ay ku sugnaayen oo u Babac Dhigi waayay Ciidamada Qalabka sida.

DHAMMAAD

 

- Advertisement -