Falanqeeye Nuure Hassan “Mareykanka iyo UK ayaa ku dhegan in la soo celiyo ciidamadii loo qaaday Eritrea”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 16-kii bishii hore ee May amray in boqolaal ka mida ciidamada gaarka ee Mareykanka dib loogu celiyo Somaliya, maalin uun ka dib, dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka Mareykanka ee Somaliya, Larry André ayaa daba-yaaqadii bishaasi sheegay, mar uu la hadlayay VOA inay lagama maarmaan u arkayn in ay iskaashi la yeeshaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ee Somaliya ka caawinaya la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Nuure Hassan oo bartay arrimaha amniga ayaase sheegaya in Wadamada Reer Galbeedku ay walaac ka muujiyeen Ciidamadii Somaliya ee tababarka loogu qaaday Eritrea, kuwaa oo loo carbiyay wiiqitaanka kooxaha argagixisada.

“Waxaa jira dadaalo ballaaran oo lagu doonayo in lagu dumiyo ciidamadaasi, iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyiinta Reer Ralbeedka ee ku hareeraysan ciidamadaasi lagu tababaray dalka Eritrea. Ciidamadan waxaa loo arkay inay yihiin sababta ugu weyn ee uu Mareykanku u amray in ciidamadiisa dib loogu soo celiyo Somaliya.” Ayuu yiri Nuure Hassan.

Waxa kaloo uu yiri “Eritrea waxaa ku sugan in ka badan shan kun oo askari oo Soomaali ah, oo si wanaagsan u tababaran, diyaar-na u ah in loo diro Somaliya, si ay uga hortaggaan Al Shabaab, balse diblomaasiyiinta shisheeye ayaa si dhab ah u hor istaagay isku daygii la doonayay in ciidamadaasi dib loogu soo celiyo dalka, iyagoo markaasi ku andacoonaya in ay carqaladeyn karaan doorashadii dalka, isla-markaana ay dhalin karaan rabshado.”

Isaga oo hadalkiisa wata ayuu yiri “20-kii bishii May, maalmo ka dib doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoomtay, Peter Kagwanja oo ah aqoonyahan Kenyan ah, sidoo kalena ah la taliye dhanka istiraatijiyadda dib-u-habeynta maamulka, amniga iyo arrimaha Afrika ayaa muuqaal laga soo duubay ku sheegay in diblomaasiyiinta shisheeye ay horjoogsadeen askartii Soomaalida ee lagu soo tababaray Eritrea inay yimaadaan dalka.”

Nuure Hassan ayaa sheegay in mucaaradka Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay qayb ka ahaayeen fashilinta, qorshihii Villa Somalia ay horaan ku dooneysay in ay ciidamadaasi dib ugu soo celiso dalka.

“Xubno ka tirsan mucaaradka dowladdii hore ayaa door weyn oo muuqday ka qaatay dib u dhigista qorshihii ciidamadaasi dib loogu soo celin lahaa Somaliya, qaarkood iyagoo sumcad xumeynaya ciidamadaasi waxay sheegeen inay ka qayb qaateen dagaalkii ay Dowladda Itoobiya kula jirtay Jabhadda TPLF. Tani waxay dabka ku sii shiday walaacii ay waalidiin badan oo Soomaaliyeed ka qabeen xaaladda ay ku sugan yihiin wiilashoodii tababarka loogu qaaday dalkaasi. Waalidiinta oo cabanaya ayaa dibadbaxyo ka dhigay wadooyinka Caasimadda Muqdisho, iyagoo aan fahamsanayn in muddo la soo qaabeynayay kicintooda.” Ayuu yiri Nuure Hassan.

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Warkii Qaramada Midoobey ay ku sheegtay inuu soo gaaray war sheegaya in Ciidamada Somaliya laga raray xeryihii ay kaga sugnaayeen Eritrea, lana geeyay Magaalada Axum ee Waqooyiga Itoobiya, waxa uu ahaa ahaa mid ay gacmo shisheeye ku lug lahaayeen. Xogta iyo caddeymaha aynu hayno waxay muujinayaan in gebi ahaanba ay been iyo barobogaando tahay in ciidamo Soomaaliyeed ka qayb qaateen dagaalka Waqooyiga Itoobiya amaba Gobolka Tigrayga.”

Nuure Hassan ayaa ku waramaya “Ciidamadan ayay dowladdii hore qorsheyneysay inay qabtaan deegaanada ay cadowgu kaga sugan yihiin Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waana ciidan loo tababaray, sidii Al Shabaab looga sifeyn lahaa labadaasi Dowlad Goboleed.”

Mar kale ayaa waxa uu yiri “Marka laga soo taggo in Mareykanku uu ciidamadiisu dib ugu celinayo Somaliya, waxaa kaloo soo baxaya in UK ay qudheedu ciidamo gayneyso Gobolada Koonfurta Somaliya. Mareykanka ayay ciidamadiisu deggi doonaan Ballidoogle, halka kuwa Ingiriska ay iyana saldhigan doonaan Baydhabo. Qaar badan oo ka mid ah canshuur-bixiyeyaashooda ma fahmin, sababta ciidamadooda loogu celinayo Somaliya. Waa wax dad badani layaab gelin kara in Mareykanka iyo Ingiriiska ay u arkaan kuwo aan wax dan ahi ka lahayn Maamul Goboleedyada kale ee Hirshabelle iyo Galmudug, oo labaduba ay argagixisadu ku firfircoon yihiin, taasi bedelkeedana ay tooshka ama leysarka ku hayaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.”

Nuure ayaa intaasi ku daray “Soomaalidu waxa ay ka dheregsan tahay in shisheeyuhu aanay daacad ka ahayn soo afjaridda dagaalka Shabaabka ee inagu dheeraaday. Dhowr kun oo askari oo habeysan, tababar fiicana qaba ayaa si fudud u baabi’in kara argagixisada, asal ahaan ciyaartii Al Shabaab-na way soo geba-gaboobi laheyd.”

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -