Burcad hubeesan oo ka dhac ka geesaneysay xaafad katirsan Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada ammaanka deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeesan iyo mootooyin nuuca bajaajta ah ay wateen burcadan.

Maamulka deegaanka Daarusalaam ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen saddex nin oo burcad ah oo mid kamid ah la dhaawacay iyo labo mooto bajaaj ay adeegsanayeen burcada hubeesan.

Burcada ciidamada deegaanka Daarusalama qabteen ayaa loo gudbiyay saldhiga deegaankjaasi, waxa ayna ciidamada baadigoob ugu jiraan rag kale oo kooxdan la socotay oo baxsaday.

Xaafadaha magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya maalmahan burcada hubeesan ee dadka shacabka ah ka dhaca moobeelada iyo agabyada kale ee qaaliga ah ,burcadan ayaana ku hubeesan qoryo iyo biskoolado.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana qatyaan ka taagan burcada magaalada kusoo korortay oo qaarkood xiran yihiin dareeska ciidamada, mana jiro wax talaabo ah oo laamaha ammaanka ka qaadeen burcadan magaalada kusoo korortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -