Wasaarada Caafimaadka oo ka hadashay xaalada dadkii Muqdisho lagu karantiilay

WAR-BIXIN MAALINLE AH: Corona (COVID-19)

19 Maarso 2020

• Ilaa iyo maanta ma jirto wax xaalad cusub ah oo la xiriirta cudurka Corona oo laga helay Soomaaliya, marka laga reebo kiiskii horey loo xaqiijiyay

• Waxaa xarunta karantiilka la geeyay 5 qof oo ka yimid wadanka Talyaaniga iyo qof kasoo galay wadanka Shiinaha. Dhamaantood dadkaan xaaladooda caafimaad waa mid aad u wanaagsan waxayna karantiilka ku jiri doonaan muddo 14 cisho ah

• Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay shir looga arinsanayay qiimeynta caqabadaha dhaqaale iyo mid caafimaad ee ka dhalan karta cudurka Corona

• Wasaaradda Caafimaadka ayaa hirgelisay nidaam lagu maareynayo loogana jawaab celinayo cudurka Corona, toosoo loo magacaabay gudi si gaar ah uga shaqeeya hawllaha la xiriira ka hortaga iyo ka diyaar garowga caabuqa Corona

• Waxaa bilowday dhismaha Xarunta Hawlgallada Deg-dega ee Caafimaadka Guud

• 7 qof oo dheeraad ah ayaa loo tababaray xarunta karantiilka ee Muqdisho

• Waxaa lagu kordhiyay shaqaale iyo qalab xarunta dadwenuhu ay ka wacaan lambarka gaaban ee 449

• 4 ambalaas ayaa loo diyaariyay in ay u adeegaan xarumaha hubinta badqabka bulshada
• Waxa kormeer farsamo lagu sameeyay xarunta loo asteeyay daaweeynta bukaanada laga helo caabuqa Corona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -