Shir u dhaxeeyay Xisbiyada Mucaaradka iyo Kulmiye oo fashil ku dhamaaday iyo Muuse Biixi oo …

Shir xasaasi ahaa oo xalay magaalada Hargeysa ku yeesheen madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa fashil kusoo dhammaaday, kaddib markii lagu isku fahmi waayay qodobada qaar.

Shirkan oo u dhaxeeyay madaxda Xisbiyada  mucaaradka ee Wadani ,UCID iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa diirada lagu saarayay doorashada Madaxweynaha ee horey loo qorsheeyay in ay ku qabsoonto 13-ka November.

Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa shirka xalay isaga baxay kadib markii ay isku fahmi waayeen xisbiga Kulmiye qabsoomida doorashada Madaxweynaha iyo magacaabista guddiyada doorashada .

Guddoomiyaha xisbiga UCID ,Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay xisbiga Kulmiye fashilka ku yimid shirka, waxa uuna cadeeyay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in doorasho dhacdo 13-ka November.

“Madaxweynaha aan arkay diyaar uma aha in uu qabto Doorasho, waxa aan ula tagnay in doorashadu dhacdo 13ka November oo ah waqtiga lagu ballamay, 5 qodob oo muhiim u ah doorashada, Madaxweynuhu waxa aan ula tagnay in aan la faragelin guddiga komishinka, nasiib darro waxa aan u tagnay Madaxweyne Careysan oo u muuqda in aan dulminay oo wax badan naga tirsanaya, kama muuqan in la is riix-riixo oo tanaasul ka muuqda sida aan ku qaban jirnay Doorashada” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay in shan qodob ay hordhigeen Madaxweyne Muuse Biixi in uusan midna ka aqbalin, waxa ayna cadeeyeen in Madaxweynaha iyo xisbigiisa aysan u socon in doorasho qabsoonto ayna abuurayaan khalalaase.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -