Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo war kasoo saartay Nin ajnabi ah oo xalay lagu toogtay Boosaaso

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku toogtay nin ajnabi ah oo la sheegay in qarax nuuca miinada ah ku aasayay waddada weyn ee magaalada Boosaaso gaar ahaan aagga Nakhiil.

War kasoo baxay ciidamada ammaanka Puntland, ayaa lagu sheegay in shacabka magaalada soo gudbiyeen xogta ninka ajnabiga ah ee miinada aasayay, waxaana durba aagga uu ninkaasi miinada ku aasayay tagay ciidamada amniga halkaasna ku dilay ninkii ajnabiga ahaa.

“Ciidanka amniga ayaa toogtay nin miino ku aasayay waddada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil, Kaasi oo xogtiisa shacabka ka shakiyey ay soo gudbiyeen” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray hawlgalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee Puntland.

Ninka ajnabiga ah ayaa la sheegay in uu qarxiyay miinadii uu aasayay markii uu arkay ciidamada tagay halkii uu joogay, waxa ayna sheegeen saraakiisha amniga in ninkan isku dayay in ciidamada ka baxsado balse ugu dambeyn halkaasi lagu toogtay.

Ciidamada ammaanka Puntland, ayaa adkeeyay amniga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, xilli ay ciidamada difaaca Puntland howlgallo balaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish ka wadaan buuraha gobolka Bari, gaar ahaan aagga Calmiskaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shir Xasaasi ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Arimo Muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

Cudur lagu yaqiinay dalalka soo koraya oo ka dilaacay Qaaradda Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---