Rooble oo ka hadlay cudurka laga helay Madaxweynaha Fariina u diray shacabka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19 intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad hadda tahay mid wanaagsan uuna sii wadi doono shaqadiisa, waxa uuna meesha ka saaray in cudurka laga helay Covid-19 uu hadda ku hayo dhibaato.

Ra’isul Wasaaraha shaqada kasii tagaya ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray goordhaw ilaah uga baryay in Madaxweyne Xasan Sheekh caafimaad degdeg ah siiyo kana bogsiiyo cudurka Covid-19 ee laga helay.

Waxa uuna Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shacabka Soomaaliyeed  ka codsaday in ay usoo duceeyaan Madaxweynaha Soomaaliya ee laga helay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -