(Sawirro) RW Khayre oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka degmada Xeraale.

Khayre ayaa ka xog wareystay odayaasha sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Xeraale iyo Huurshe iyo xaaladaha kala duwan ee ka jira degaanadooda.

Odayaasha ayaa warbixin ka siiyey RW Khayre sida heshiiska beelaha Xeraale iyo Huurshe oo ay sheegeen inuu sidii loogu talo galay u fulay iyagooo dhinaca kale ka waramay dhibaatooyinka kale ee degaanadaas ka jira.

Waxay uga mahad celiyeen RW Khayre dedaalka ay isaga iyo xukuumadiisu ugu jiraan dib u heshiisiinta iyo geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

Raisul Wasaaraha dalka ayaa dhankiisa ka sheegay kulankaas ujeedada uu ugu soo laabtay Dhuusamareeb iney tahay sidii loo dardar gelin lahaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay, wuxuuna odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug ka dalbaday iney gacan ka geystaan sidii arintaas guul looga gaari lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre oo maalmo ka hor dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo qeybaha bulshada, kuwaasoo la xiriira sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha Galmudug iyo xalinta tabashooyinka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -