Allbanaadir.com
NEWS

Xaliimo yarey oo shaacisay Labo Nuuc doorasho oo dalka ka dhici karta iyo waliba xiliga ay dhici karaan (Akhriso)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) oo goordhaw khudbad ka jeedisay xarunta KMG ee golaha shacabka ayaa ka hadashay nuuca doorasho ee dalka dhaci karta iyo waliba xiliga la qaban karo.

Xaliimo Yarey ayaa soo bandhigtay labo nuuc doorasho ee la qaban karo oo mid kamid ah yahay kii ay ansixiyeen Baarlamaanka federaalka sidoo kale saxiixay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa doorasho qof iyo cod ah.

Waxa ayna xustay Xaliimo Yarey si ay u dhacdo nuucaan doorasho in ay u baahan yihiin mudo 13-bilood ah oo ka bilaabaneysa bisha July in ay kusoo diyaariyaan nuucaas doorasho ee qof iyo codka ah.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa sidoo kale soo bandhigtay nuuc kale doorasho oo lagu magacaabo diiwaan galinta gacanta ee isla maalinta cod bixinta (Same day manual registration), waxa ayna sheegtay in nuucan doorasho iyana ku qabsoomi karto mudo 9-bilood ah.

 

Halkan ka Akhriso Hadal jeydinta Xaliimo Yarey iyo waxii ay sheegtay

Related posts

Lacag Malaayiin dollar ah oo loogu deeqay Somalia, (Maxaa lagu qabanayaa?)

Caydiid Ali

Xildhiban Odawaa”Dictators-ka adunku waxey dib u burburiyaan nidamkii dimuqradiga ahaa ee ….”!!

admin

Dal Yurub kuyaalla oo 34-kun Dollar siinaya qofkii ku laabanaya dalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---