Nabadoon Xuseen Xasan Gurey oo caawa la dilay iyo Wiilkiisa oo la dhaawacay

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in caawa kooxo biskoolado ku hibeesan dil iyo dhaawac u geesteen nabadoon caan ka ahaa degmadaasi iyo wiil uu dhalay.

Kooxaha hubeesan ayaa la sheegay in ay weerareen nabadoonka la dilay iyo wiilkiisa, waxa ayna la dhaceen dhoor xabadood sida goobjoogayaal ku warameen, waxaana weerarka kadib goobta ka baxsaday kooxihii hubeesnaa ee dilka geestay.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabayay Xuseen Xasan Gurey oo kamid ahaa waxgaradka mid kamid ah beelaha dega Afgooye , lamana oga ilaa hada sababta loo dilay iyo cida ka dambeesay dilkiisa.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Afgooye ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadaan baaritaano ay ku raadinayaan kooxdii dilka fulisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -