Wasiir Carab oo ka hadlay rabshado dhexmaray arday iyo ciidamo Boolis ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 35,000 oo arday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada, waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab )ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horreeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

“Sanadkaan Imtixaanku  si nabad ah ayuu inoogu soo gaba-gaboobay, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahad-celineynaa shaqo fiican ayey qabteen” ayuu yiri wasiirka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar ayaa ka hadlay shaqaaqo dhacday inta uu Imtixaanka socday oo iskuulka Macalin Jaamac ku dhexmartay ciidamada amaanka iyo arday ka soo dib dhacday saacadii imtixaanka.

”Ma jiraan Arday dhaawacantay ama wax noqday, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey, Waalidiinta waxa aan fareynaa imtixaanada soo socda inay telefoonada Mobileda kasoo reebaan caruurtooda”ayuu yiri wasiirka.

- Advertisement -