Dhul gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Dalka Afgaanistan (Daawo Sawirada)

Dhul gariir ay ku dhinteen dad aad u badan ayaa ku dhuftay deegaano hoostaga magaalada Khost ee koonfurta bari dalka Afganistan, waxaana khasaaraha ka dhashay dhul gariirkan laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan.

Dad ka badan 270-qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dhul gariirka ku dhuftay deegaano katirsan dalka Afganistan, waxaana dhul gariirkan ku dhaawacmay dad ka badan 150-qof oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan.

Dhul gariirkan oo ah mid xooggan ayaa laga dareemay magaalooyin kuyaalla dalalka Afganistan iyo Pakistan, waxaana baraha bulshada lagu baahinayay muuqaalo iyo sawirro dad laga soo dhax saarayo dhismayaal dumay hoostooda.

Deegaanada dhul gariirka ku dhufteen ee dalka Afganistan ayaan heli gurmad weyn, waxaana jira dad badan oo wali ku hoos jira dhismayaasha dumay, waxaana goobahaasi tagaya dad is xilqaamay si dadka u caawiyaan iyo xubno katirsan Taalibaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -