Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Aadan Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale , kuwaa uu uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka  Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

Soo laabashada Guddoomiyaha golaha shacabka ee Muqdisho ayaa kusoo imaaneysa xilli la filayo isbuuca soo socda in xildhibaanada la horgeeyo Ra’isul Wasaaraha magacaaban si codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -