Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo shaaciyay in la qabanayo Doorashada Kuraastii Fahad Yaasiin iyo Mahad Salad

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in dhawwaan la qaban doono doorashada labo kursi oo ka banaan golaha shacabka.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in labada kursi ee doorashadooda la qaban doono kala yihiin kursiga HOP047 uu ku fadhiyay  Mahad Salaad oo hadda ah taliyaha NISA iyo kursiga HOP086 uu kusoo baxay Fahad Yasaiin balse guddiga doorashada diideen natiijadiisa.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in sharciga loo marayo doorashada labadaasi kursi ay xildhibaanada ka arrinsan doonaan, waxa uuna cadeeyay in doorashada labadan kursi la qaban doono inta lagu guda jiro kalfdahiga hadda socda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaana sheegay in baarlamaanka sharci kasoo saari doonaan doorashada labada kursi in magaalada Muqdisho lagu qabto ama in lala aado dowlad goboleedyadii markii hore lagu soo doortay.

Kursigii Fahad Yaasiin kusoo baxay ee doorashadiisa la laalay ayaa ahaa kursigii ugu saameynta iyo hadal heynta badnaa doorashada golaha shacabka, waxaana kursigan la sheegay in Fahad loogu diiday siyaasad  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Daawo:-Tartan Nuuc cusub ah oo loo qabanayo Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho !!

Cabdi Cade

Mareykanka iyo kooxda Taliban oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah (Daawo Sawiiro)

Caydiid Ali

Ciidankii lagu laayay Go’da yar oo aas Qaran loo sameeyay iyo Muusa Biixi oo hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---