Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidan ka tirsan ilaalada Xildhibaan C/llaahi Kulane oo lagu xiray garoonka Aadan cadde

Ciidan Ilaalo ka tirsan NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan lana shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in askartan iyagoo fasax la’aan ah ay garoonka uga dhoofi rabeen iyagoo safar u ahaa gudaha dalka ayna ku baxayeen qaab ciidan Boolis ah, waxayna ku hubeysnaayeen qoryo fudud.

Labadan askari ee la xiray ayaa ka mid ahaa illaa shan askari oo hoos tageysay Nabadsugida Qeybta Guud ee gobolka Banaadir kuwaasoo la siiyey Xildhibaan C/llaahi Kulane inta uu Ilaalo Boolis ah ka qoranayo.

Xildhibaan C/llaahi Kulane oo ka hadlay dhacdada lagu xiray qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa sheegay in talaabadan uusan u joojin doonin shaqada uu u hayo Qaranka.

“In lala noqdo ilaaladeenna gaarka ah, nagama hor istaagayso inaan shaqadeenna gudanno, namana cabsi gelinayso” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Kulane oo ka mid ah xubnaha sida weyn u taageersanaa madaxweynihii Hore Maxamed C/llaahi farmaajo oo sidoo kale ay heyb wadaag yihiin.

https://www.youtube.com/watch?v=N6eK2x8UjDU&t=1s

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo farac ay leedahay Jaamacadda Ummada ka furay Caabudwaaq

Caydiid Ali

Itoobiya oo War cusub ka soo saartay damaceeda badda Somalia

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) James Swan oo hal arrin ku amaanay Madaxweynaha Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---