Xukun adag oo lagu riday nin qarax Muqdisho kusoo galinayay Mooto Bajaaj

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin lagu helay in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, kaa ku dhaawacmay qarax la sheegay in uu soo galinayay Muqdisho.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa ku dhaawacmay qarax uu ku waday mooto bajaaj bishii marso ee sannadkan, waxaana ninkan bilooyin gacanta ku hayay hay’adda nabad sugida oo ka daaweeneysay dhaawacyadii soo gaaray.

Maxkamada ciidamada ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab u qaabilsanaa qaadista agabyada gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada, waxa ayna maxkamada sheegtay in qaraxyo Muqdisho soo galinayay ku qarxeen xilli uu mootadiisa ku waday.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Argagixisada uu wakiilka kaga ahaa, waxa ayna sheegeen in ninkan kaliya uu ahaa kala gudbiye agabka.

Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in maxkamada ku xukuntay15-sanno oo xabsi ciidan ah Maxamed Cusmaan Dhagaxow , waxa uuna xusay eedeesanaha oo xukunka ka qaadan karo racfaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -