Dowlada Somalia oo goor dhow shaacisay in berri ay tahay Maalinta 1aad ee Ciidul fitriga

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow si rasmi ah ugu dhawaaqday in maalinta Berri ee Talaadadda 4-ta bisha June ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Somalia ayaa shaacisay go’aankan kadib markii laga arkay gobolo ka mida Soomaaliya sida Sh/Dhexe, Sh/Hoose, J/Hoose, Bay iyo meelo kale, waxaana arrintan xaqiijiyey culimo loo diyaariyey hubinta iyo xaqiijinta dhalashada bisha Shawaal.

Agaasimaha arrimaha diinta Sheekh Cali Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) ayaa warbaahinta dowladda ka sheegay inay xaqiijiyeen dhalashada bishii Ramadaan, isla markaana dad badan oo la soo xiriiray oo qaarkood ay aqoon u leeyihiin ayna u xaqiijiyeen dhalashadii Bishii Shawaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -