Dowlada Hoose oo Muqdisho oo bixisay Dhul ay dhiseyso Hay’adda IOM (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda hey’adda Socdaalka adduunka ee  I.O.M ee Soomaaliya.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo dardargalin lahaa dhismaha dhul baaxad leh oo ku yaala degmada Hiliwaa kaas oo ay Dowlada Hoose ugu talagashay in lagu deegaameeyo ama Dib-udajin loogu sameeyo dadka Barakacyaasha ah ee kunool Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa tilmaamay in dhismaha dhulkaas u qeyb ka qaadan doono daryeelka dadka Barakacayaasha ah ee magaalada ku sugan, Bilicda Caasimadda iyo Nabadgalyada.

Dhismaha dhulkan ayaa waxaa gacan weyn ka geesanaya hay’adda socdaalka adduunka IOM , waxaana dhulkaasi la filayaa in guryo qurux badan looga dhiso dad barakac ku ah magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -