Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Xijaar iyo saraakiil uu horkacayo oo gaaray Addis ababa+Ujeedka (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban saraakiil sarsare, ayaa maanta gaarey maagalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Ujeedka safarka taliyaha iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay in loogu diyaar garoobayo Shirka Booliska Adduunka ee INTERPOL qaybta Bartamaha iyo Bariga Afrika, oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa.

Taliyaha iyo Wafdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Itoobiya Gen. Demelash Gebremicheal, iyaga oo wada qaatay kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo wadashaqaynta Booliska labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related posts

Maroodiyaal badan oo laga rarayo Goob laga helay Dheyman qaali ah

Cabdi Cade

(Akhriso) Madaxweyne Xassan Sheekh oo xilal u Magacaabay Mas’uuliyiin cusub

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay qoysas ajaaniib ah iyo dad kale oo danyar ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---