Hay’adda Duulista Rayidka DF oo ka jawaabtay go’aan ka soo baxay Shirkadaha dayuuradaha

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay  hadal ka soo baxay shirkadaha dayuuradaha ee ka shaqeeya gobolada dalka, kuwaasoo sheegay iney joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagayeen gobolada dalka, khatar amni oo ka jirta garoomada dalka awgeed

Qoraal ka soo baxay dallad au ku mideysan yihiin shirkadaha dayuuradaha ayaa ku eedeeyey Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ineysan diyaar u aheyn xalinta caqabado ay sheegeen iney ka soo wajahday garoomada dalka qaarkood.

Hoos ka akhriso qoraalka jawaabta ah Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ka soo saartay eedeynta loo jeediyey iyo halista amni ee la sheegay iney ka jirto garoomada gobolada dalka qaarkood.

WAR-SAXAAFADEED

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).

HDRS waxa ay halkaan ku cadeyneysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.

Hay’addu waxba kama oga warqada lagu baahiyay baraha bulshada ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022 kuna taariikhaysan 18th June 2022 Iyo khatarta ay kahadlayso.

Wabillaahi Towfiiq.

- Advertisement -