Allbanaadir.com
NEWS

Maroodiyaal badan oo laga rarayo Goob laga helay Dheyman qaali ah

Kaynta Venetia ee kutaala gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa laga raraya 200- oo Maroodi ah oo kunoolaa Keyntaasi , waxaana maroodiyaasha la qorsheenayaa in la geeyo dalka Muzambik.

Shirkadda soo saarta dheemanka ee De Beers ayaa sheegtay in Keyntan ay ku noolaayeen Maroodiyaasha laga rarayo, waxa ayna shirkada shaacisay in keyntan laga helay dheyman badan.

Maroodiyaashan ayaa sida shirkadu sheegtay in la geenayaa keymo kuyaala dalka Muzamibk, waxaana laga cabsi qabaa in halis galaan nolosha maroodiyaashaan maadama Muzambik si weyn looga ugaarsado faanta maroodiga.

Dalka Muzambik waxaa ugaarsi lagu dilay kala bar Maroodigii kunoolaa faantooda owgeed,kaynta Niassa ee kutaala dalka Muzambik ayaa dhoor sano gudahood waxaa lagu dilay in ka badan 11-kun oo Maroodiyaal ah.

Shirkadda De Beers ee dalka Koonfur Afrika ayaa  sheegtay in lacag dhan $500,000 ay ugu yaboohi doonto ururka Peace Parks Foundation, si loola dagaalamo ugaarsiga sharci darada ah ee loo geesto maroodiga.

Dalka Koonfur Afrika waxaa kuyaala deegaano badan oo laga qodo dheymanka, waxaana Keynta hada laga rarayo maroodiga  la doonayaa in laga soo saaro dheyman badan oo laga helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dacwada xil ka qaadista Madaxweyne Trump oo ka bilaabatay senate-ka Maraykanka

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug iyo Xubno caan ah oo…

Cabdi Cade

Xamaas oo soo bandhigtay Gododkii ay ku heysay maxaabiista Israa’iil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---