Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo ka farxiyay qoysas ajaaniib ah iyo dad kale oo danyar ah (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale  ayaa maanta deeq lacageed oo ciid siin ah u qeybiyay qaar ka mid dadka baahiyaha haarka qaba, haweenka waayeelka ah, agoonta, dadka nugul iyo muwaadiniinta u dhashay dalalka Syria, Yemen iyo Falastiin ee kunool Muqdisho.

Barnaamijkan ciid-siinta oo sanadkii labaad uu bixinaayo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa  Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa loogu tala-galay in dadkaan nugul ay ugu qeyb qaataan farxada ciidul Fidriga.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka illaahey wax siiyay in ay kaalin ka qaataan garab istaagan dadka nugul, kuwa baahiyaha gaarka qaba iyo walaalaha u dhashay dalalka Syria, Yemen iyo Falastiin ee kunool caasimadda Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana marar badan garab istaag u sameeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo baahiyo kala duwan qabay iyo sidoo kale dad ajaaniib barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo War cusub ka soo saaray halka uu ku dambeeyey Meydka Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali

Dibad baxe carreysan oo isku hor gubay Qunsuliyad Israa’iil ku leedahay Mareykanka

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay safarka ay Tanzania ku tageen Xasan Shiikh & wafdigiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---