Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday Lamaane Fal Dambiyeed lagu helay (Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday lamaane lagu helay in ay katirsan yihiin kooxda Daacish sidoo kale lagu qabtay waxyaabaha qarxa iyo agabyo kale.

Ciidamada ammaanka ayaa xabsiga dhigay Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim oo is qabay, waxaana ninka lagu eedeeyay in uu qaraxyada u sameyn jiray Daacish halka Xaliimo lagu helay in hubka u keydin jirtay Daacish.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ee maxkamada ciidamada ayaa Baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo lamaanahan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor Cadeeyay Labada Eedeysane in ay is Qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Horjoogahooda uu isku Doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Qareenada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo Qatay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.

Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in lamaanahan Daacish katirsan ee kala ah Dayib Macalim iyo Xaliimo Cabdi maxkamada ku xukuntay min 15-sanno oo xabsi ciidan ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -