Allbanaadir.com
NEWS

Hannaanka baarista Hide-sidaha DNA ee Soomaaliya oo wax badan laga bedelay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ka ambaqaadaya dib u habeynta iyo hagaajinta hannaanka baarista dembiyada dalka, ayaa dabayaaqadii sannadkii 2023 isbadal ku sameeyay madaxda hoggaanka baarista dembiyada.

Qorshaha Isbedelka oo ay la yimideen madaxda cusub ee hoggaanka loo magacaabey, ayaa ahaa in wax laga bedelo hannaanka caddaalad marinta ee darafyada dacwadaha, gaar ahaan hannaanka loo maro baarista hide-sidaha (DNA), kaas oo kiisaska badan ee la keeno waaxda sheybaarka cilmiyeeysan loo qaado dalka Dibadiisa, iyada oo la sugo muddo dhan 3 bilood, taas oo eedeysanaha uusan caddaalad helin muddo ku siman saddex bilood ee la sugaayo jawaabta baarista.

Taliyayaasha ayaa la yimid qorshe ah in DNA loo qaado dalka Turkiga si ugu yaraan jawaabta  loo helo inta u dhaxeyso 1-5 maalmood gudahood, ayaa kulamo joogto ah la qaatey saraakiil ka tirsan dalka Turkiga laa gaaray heshiis, waxa uuna hadda marayaa heshiiskaasi meel gabo gabo, taas oo looga kaaftoomi doono in jawaabta DNA la sugo 3 bilood iyo in ka badan, inta laga helaayo DNA machine ay yeelaato waaxda kaas mar dhow la filaayo in lagu soo kordhiyo waaxda DNA

Tallaabooyinkan ayaana wax badan ka badalidoona nidaamka caddaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan, waxaa ayna wax ka taridoontaa hannaanka guud ee Caddaalada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo Muqdisho soo gaarsiisay Saraakiil & saanad milateri

Caydiid Ali

Deeqdii ugu horeesay oo lagu bixiyay Magaca la dagaalanka cudurka Coronvirus oo dowladda Soomaaliya la gudoonsiiyay !!

admin

Xulista Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo bilaabaneysa & guddi la Magacaabay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---