RW Xamse oo kormeray qaar ka mid ah xarumaha Muhiimka ah ee dowlada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kormeeray qaar ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee heyadaha dowlada gaar ahaan kuwa dhaqaalaha.

Xarumaha oo kormeeray RW Hamza waxaa ka mid ah Wasaaradda Maaliyadda ,Bankiga Dhexe iyo xisaabiyaha Guud, isagoo u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda hey’adahaan muhiimka u ah nidaamka Maaliyadda dalka.

Mudane Xamse ayaa kala hadlay madaxda Hay’adaha Maaliyadda dalka ee uu booqday dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Xisaabiyaha Guud Marwo Faadumo Cusmaan Faarax, waxa uuna ku boorriyay masuuliyiinta sii Xoojinta wadashaqaynta dhexdooda ah iyo waajibaadka ay qaranka ugu idman yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -