Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Dubbe: “Fanaaniin ay ku jirto Nada Al-Ghala ayaa raba iney ka heesaan Tiyaatarka”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in fanaaniinta reer Suudaan oo ay ka mid tahay Naada Al-Ghala ay rabaan inay barnaamij ku qabtaan tiyaatarka Qaranka Soomaaliya.

Dubbe ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

“Safiirka Suudaan ayaa ii yimid oo igu yiri fanaaniin reer Suudaan ayaa raba inay tiyaatarka barnaamij ku dhigaan, xafiiska ayuu iigu yimid wuxuuna igu yiri fanaaninta waxa ka mid ah ah Nada Alkhala.” ayuu yiri wasiirka.

Waxay ka mid tahay fannaaniidta aadka loogu jecelyahay dalka Sudan, iyadoo dhinaca kale haysato taageerayaal badan oo Soomaali ah.

Magaceeda dhabta ah waa Nada Moxamed Cusman. Al-Qalcah waa naaneysteeda, waana xaafad ka tirsan magaalada Khartuun oo ah meesha ay fankeeda ka soo bilowday.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in tiyaatarka uusan laheyn goob Shaah iyo biyo laga cabo, isagoo xusay markii amray in maqaahida tiyaatarka la howlgeliyo si qaldan loo fasiray, lagana dhigay inuu iibsanayo qeyb ka mid ah tiyaatarka.

“Raisul wasaarahaa i soo wacay wuxuuna igu yiri naga daa, dadka tiyaatarka yimaada ha iska haraadaane sidaas baanuna ku joojinay, waana nasiib daro runtii in dadka qaar horumar kasta oo la sameynayo ay ka eegaan ama ku fasiraan dhanka xun” ayuu yiri Dubbe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo furumaha dagaalka u sagootiyey Guutada Khaalid Bin-waliid

Caydiid Ali

Somaliland oo Heshiis cusub oo bulshada wax u taraya ku saxiixday Adis Ababa (Sawirro)

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo ka qeyb galay shirka Baarlamanada Carabta (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---