Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo labo arrin oo Muhiim ah kala hadlay Larry André Jr

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta xarunta Xalane kulan gaar ah kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Larry André Jr.

Kulankan maanta dhax maray Madaxweynaha Puntland iyo safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya ayey uga wada hadleen guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo Abaaraha ka jira Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa warbixin ka siiyay safiirka Mareykanka xaalada amaan iyo tan abaaraha ee ka jira Puntland , isagoona ka codsaday Mareykanka in gacan ka siiyaan gurmadka dadka abaaraha ku saameeyeen deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay madax katirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale wakiillo katirsan beesha caalamka uu kala hadlay arrimo quseeya Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo ku geeriyooday Muqdisho

Caydiid Ali

Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegay iney fashiliyeen afgembi

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqolaal maxaabiis ah oo xabsiyada ku xiran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---