Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegay iney fashiliyeen afgembi

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay ka hortageen isku day Afgambi oo la doonayay in xukunka looga tuuro Madaxweyne Mustafe Cagjar.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo ka soo horjeeda nabadda ay isku dayayaan inay afgambiyaan dowladdii la doortay.

“Kooxaha nabad diidka ayaa wada qorshe ay ku afgambinayaan dowlad goboleedka. Waxay isku dayeen inay nabadda khalkhal galiyaan oo ay dadka kiciyaan, gobolkana khalkhal galiyaan oo ay xoog ku qabsadaan” ayaa lagu yiri WarSaxaafadeed ka soo baxay Maamulka.

“Iyadoo ay socdaan dadaallada dowladda deegaanka Soomaalida iyo shacabka ay ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa abaarta, ciidamadani waxay qorsheeyeen inay khalkhal galiyaan gobolka, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan dadka Itoobiyaanka ah inay gacan naga siiyaan soo celinta kala dambeynta” ayaa sidoo kale lagu yiri Bayaanka.

War-saxaafadeedka dawlada ayaa lagu sheegay in kooxahani xiriir la leeyihiin ururada argagaxisada ayna doonaya in ay xasiloono-darro ka abuuraan gobolka.

Related posts

Guddiga Gurmadka Abaaraha oo Warbixin la wadaagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdi Cade

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Donald Trump oo lagu casuumay dhageysiga Dacwado loo heesto iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---