Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Maaliyadda Labada Aqal ee Baarlamaanka oo guddoon doortay (Sawirro)

Guddiga KMG Maaliyadda ee xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii ugu horeyey waxa ay ku yeesheen Xarunta Aqalka Sare.

Kulankaan ay xarunta Aqalka Sare ku yeesheen maanta xubnaha guddiga KMG maaliyadda ee labada Aqal ayaa  Ajendihiisa ahaa doorashada Guddoonka KMG ah ee hoggaaminaya guddigaasi .

Guddoomiyaha Guddiga KMG Maaliyada loo doortay Xildh. Maxamed Farax Nuux waxaa Guddoomiye ku xigeen loo doortay Sen. Xasan Iidow Muxumad (Kobac) waxaa sidoo kale Xog-hayaha Guddiga loo doortay Xildh. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa soo magacaabay guddiga KMG ee maaliyadda labada aqal, waxa ayna guddigan ka shaqeyn doonaan miisaaniyadda iyo arrimaha maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Nabadoon caan ahaa

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo saxiixay xeer ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---