Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo amaanka oo la adkeeyay

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo loo diidayo in ay maraan gaadiidka caadiga ah iyo sidoo kale kuwa dadweynaha .

Ciidamo badan oo isugu jira milatari iyo booliis ayaa lasoo dhigay Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoosyada, waxa ayna ciidamada celinayaan gaadiidka kala duwan iyaga oo deynaya kaliya dadka lugeenaya.

Shacabka magaalada Muqdisho oon horey uga war heyn in wadooyinka la xirayo ayaa saakay cagtooda maalaya, waxa ayna xirnaashaha wadooyinka Muqdisho saameyn badan ku yeelatay dad badan oo ku jiraan bukaano, arday iyo shaqaale.

Sababaha wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay in Muqdisho imaanayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle  ,Amaanka caasimada ayaa saakay si weyn loo adkeeyay inta uu joogo Madaxweynaha Jabuuti.

 

- Advertisement -