Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga Madaxa banaan ee wax ka bedelka dastuurka oo su’aalo ka jawaabay (Sawirro)

Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka  JFS ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka.

Kulanka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha guddiga Xil. Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay kasoo qeybgaleen xubnaha guddiga kumeel gaarka ah.

Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka ah JFS ayaa xogwareysi ku saabsan waxqabadkooda la yeeshay guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo wax ka bedelka dastuurka KMG iyadoo intaasi kadibna ay guddiga weydiiyeen su’aalo ku saabsan warbixintooda.

Guddiga soo jeedinta wax ka bedelka & kaabista dastuurka kumeel gaarka ah JFS ayaa ugu mahadceliyey xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan warbixintooda wanaagsaneyd ee ay siiyeen guddigooda si hawlaha guddiga uu u xilsaaray Baarlamanka Federaalka Soomaaliya uu ugu noqdo dhameystir maadaama la doonayo in golaha la horgeeyo kalfadhiga 3aad ee golayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari maanta dil ka geetay magaalada Muqdisho oo isna la dilay

Cabdi Cade

Daawo Axmed Madoobe “Doorasho kuma dhaceyso sida ay wax u socdaan & nooca afduub ee socda”

admin

Khaatumo oo ka hadashay in Laascaanood soo gaareen Fuáad Shangole iyo Ciidan uu wato

Cabdi Cade
Taboola Ads ---