Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Qaar ka mid ah Madaxda beri ka qeyb galeysa Xaflada Caleema saarka

Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa iney beri soo gaaraan madax iyo wufuud ka qeyb galeysa caleema saarka Madaweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud.

Madaxweynaha la caleema saarayo ee dalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, ayaa ku guuleystay madaxnimada doorasho dhacdey bishii hore.

Waxaa uu xilka kala wareegay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo jagada ugu sareysa dalka hayey muddo shan sano iyo dhowr bilood ah.

Madaxda ka qeyb galeysa caleemo saarka ayaa waxaa kamid ah: Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed, Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta Ra’iisal Wasaaraha Masar, Mostafa Kamal, iyo madax kale.

Munaasabada caleemo saarka ayaa waxaa lagu qaban doonaa teendhada Afisiyooni oo ku taalla xeyndaabka garoonka dayuuradaha Aadan cadde oo aheyd goobtii bishii lagu doortay Madaxweyne Xassan Shiikh.

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA

Related posts

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Deegaanka Mubaarak iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

(Sawirro) Qoor-qoor oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Puntland ay saanad iyo dhaqaale ku taageertay kooxda Ahlusunna?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---