Maxaa ka jira in Puntland ay saanad iyo dhaqaale ku taageertay kooxda Ahlusunna?

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay warar maalmahanba la isla dhexmarayey oo sheegaya in Puntland taageero siiso kooxda Ahlusunna ee ka dagaalameysay Guriceel.

Sanyare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayay in Puntland ay saameyn ku leedahay dagaalkii Guriceel ee u dhaxeeyay Alhusunna iyo Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay Galmudug u aqoonsan yihiin maamul dhisan oo deris wanaag iyo walaalnimo kala dhaxeeyo.

“Puntland waxay aqoonsan tahay in Galmudug ay tahay dowlad goboleed dhisan oo deris iyo walaal la ah oo dhismaheeda iyo wanaageeda uu Puntland waxtar u yahay, burburkeeda iyo Hoos u dhaceedana uu Puntland naafanimo ku yahay” ayuu yiri Sanyare.

Guddoomiye Sanyare ayaa tilmaamay in eedeyntaas aysan ahayn mid ay qaabaan siyaaasiyiinta iyo waxgaradka Galmudug, hase ahaatee ay tahay mid ay faafinayaan shaqsiyaad dano gaar ah leh.

Hadalka Sanyare ayaa ku soo aaday xili shalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu sheegay iney jiraan siyaasiyiin iyo maamulo taageero siinaya kooxda Ahlusunna ee ka dagalaameysay Guriceel inkastoo uusan magac dhabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -