Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Qoor-qoor oo deg deg ugu laabtay Dhuusamareeb iyo Sababta ka dambeysa

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid  iyo wafdi kala oo qeyb ka ahaa safarka socdaalka nabadda ayaa waxaa soo dhaweyNtiisa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Dhuusamareeb.

Wafdiga ayaa kasoo kictimay magaalada Guriceel oo maalamahaan ku jooga safarka nabada ahaatee ugu dambeyn galinkii dambe ee maanta ayuu dib ugu laabtay magaalada dhuusamareeb oo xarunta madaxtooyada Galmudug.

Dib ugu laabashada Madaxweyne Qoorqoor ee Dhuusamareeb ayaa la xiriirta diyaar garowga shirka maalinta Khamiista ka dhici doona halkaas, kaasoo ay isugu imaanayaan Madaxda Maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaarire Qoor-Qoor ayaa muddo ku dhawan bil safarka socdaalka nabdda kusoo maray deegaanada galmudg oo ka kobaan Gobolka Mudug iyo Galgaduud waxaana intii uu ku jiray socdaalka nabadda uu sheegay inay ugu talagaleen in lagu qiimeeyo xaaladaha ay ku suganyihiin bulshada galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa labdii bishii labaad ee sanadkaan 2020 Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor)  Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi doorasho ka dhacday magaalada dhuusamareen waxaana tan iyo markaasi oo madaxweynaha isku howlan sidii guud ahaan bulshada galmudug loo dhax dhigi lahaa dib-u hishiisiinta waarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaa ka jira in Somaliland ay Madaxda DF u ogolaatay ka qeyb galka aaska abwaan Hadraawi?

Caydiid Ali

Cumar Filish oo daah furay Telefishin cusub oo ku hadlaya codka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo xoojiyey gulufka dagaal ee ay ku hayaan Jabhada TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---