Madaxweyne Xassan Shiikh oo Magacaabay la taliyeyaal cusub (Akhriso)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Max’uud ayaa digreeto Madaxweyne ku magacaabay La-Taliyeyaasha Arrimaha Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

  1. Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow ayaa loo magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Dastuurka.
  2. Mudane Axmed Cabbaas Axmed ayaa isna loo magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan iyo aqoon u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka.

- Advertisement -